Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada Maraykanka ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.
War ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Howlgalka si gaar ah loogu beegsaday warshad ay Al-shabaab u adeegsan jireen soo saarista iyo diyaarinta qaraxyada, taas oo ahayd warshaddii qaraxyada ugu weyneyd ee ay halkaas ku lahaayeen, waxaana lagu guuleystay in gebi ahaanba la burburiyo.
Sidoo kale, howlgalka ayaa lagu dilay 18 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen injineerro ku lug lahaa farsamaynta qaraxyada iyo dhibaateynta umadda Soomaaliyeed.
“Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan go’aankooda ah in lasii xoojiyo howlgalada ka dhanka ah argagixisada, lana adkeeyo dadaallada lagu dhowrayo badbaadada iyo amniga shacabka.”ayaa lagu yiri qoraalka.
Howlgalladan oo ah kuwo is-dabajoog ah ayaa muujinaya wada-shaqayn dhow oo u dhexeysa Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamka ee ciribtirka maleeshiyaadka ka tirsan Argagixisada.



