Khabiirka Sky Sports Charlie Nicholas ayaa bixiyay saadashiisa ku aadan kulamada horyaalada yurub ee caawa iyo labada habeen ee soo aadan la ciyaari doono xilli kooxaha Ingiriiska ah ee Leicester City iyo Manchester United ay rajeynayaan iney wareega xiga ee tartamadooda u gudbaan.
Foxes waxey caawa soo dhaweyn doontaa Atletico Madrid kulanka lugta labaad iyadoo 1-0 qasaaro ah la kulantay kulankii Calderon ee todobaadkii hore, mana aaminsana in wiilasha difaacanaya horyaalka Premier League ay soo bixi karaan.

Dhanka kale Charlie wuxuu qabaa in Real Madrid caawa ay guuldaro la kulmi doonto isla markaana 2-1 loogu awood sheegan doono inkastoo saadaashiisa uu ku sheegay in waqtiga dheeriga ah ee ciyaarta ay Los Blancos kusoo bixi doonto.
Sidoo kale khabiirka wuxuu saadaaliyay in Barcelona ku hari doonto Camp Nou walow uu guul siiyay Neymar Junior ayuu aaminsan yahay inuu dhalin doono goolka koowaad, balse guul 3-1 ah oo ay gaaraan ayey ku hari donaan.
SAADAASHA CHARLIE NICHOLAS:
Leicester City 0 – 1 Atletico Madrid
Goolka 1-aad: Antoine Griezmann.
Atletico Ayaa soo Baxeysa, Leicester City wey hareysaa.
Real Madrid 1 – 2 Bayern Munich
Goolka 1-aad: Sergio Ramos.
Real Madrid Ayaa soo Baxeysa marka la aado waqtiga dheeriga ah, Bayern Munich wey hareysaa.
Barcelona 3 – 1 Juventus
Goolka 1-aad: Neymar Junior
Juventus Ayaa soo Baxeysa, Barcelona wey hareysaa.
Monaco 2 – 2 Dortmund
Goolka 1-aad: Kylian Mbappe.
As Monaco Ayaa soo Baxeysa, Dortmund wey hareysaa.
Man United 2 – 0 Anderletch [Europa League]
Goolka 1-aad: Zlatan Ibrahimovic.
Man United Ayaa soo Baxeysa, Anderletchc wey hareysaa.



