Ryan GiggsRyan Giggs ayaa qarka u saaran inuu Isbuuca soo aadan kulan la yeesho tababaraha cusub ee kooxda Manchester United Jose Mourinho isla markaana uu soo afjaro 29 sanno oo uu adeege daacad ah u ahaa kooxda ka dhisan Old Trafford.
Giggs, oo 42 sanno jir ah, ayaa haatan fasax ku jooga dalka Spain, laakiin wuxuu kusoo laabanayaa dalka England si uu kula weji ka weji ah ula yeehso tababaraha dhowaan loo magacaabay Man United Mourinho.
Ciyaaryahanka ugu guulaha badan taariikhda Man United ayaa labadii sanno ee lasoo dhaafay caawiye u ahaa macalinkii la raacdeeyey ee reer Holland Louis van Gaal, laakiin tababarihii hore ee Chelsea Mourinho ayaa doorkaan siin doona ninka mudada dheer soo ahaa gacantiisa midig Rui Faria.
Madaxda Man United ayaa u sheegay halyeeyga reer Wales inay u magacaabi doonaan door uusan saameyn kula yeelan doonin garoonka dhexdiisa iyadoo madax looga dhigayo juunyarta kooxda, oo uu haatan maamulo saaxiibkiisii hore ee ay isku kooxda ahaan jireen Nicky Butt.
Laakiin waxaa la fahamsan yahay inuu Giggs doonayo inuu ka mid noqdo tababareyaasha kooxda koowaad ee Man United, wuxuuna ku wargelin doonaa madaxda Red Devils inuu damacsan yahay inuu kooxda ka tago haddii aan la siin karin shaqadaas, sida ay daabacday majaladda Daily Mirror.
Mourinho ayaa sidoo kale haatan fasax la qaadanaya qoyskiisa laakiin wuxuu ka shaqo bilaabi doonaa xerada tababarka Man United ee Carrington Training Complex Isbuuca soo aadan, ka hor inta aysan ciyaartoyda kooxdu tababarka ay isugu diyaarinayaan xilli ciyaareedka soo aadan kusoo laaban 7da bisha soo aadan ee July.


