AKHRISO: R/wasaaraha oo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska

Muqdisho-RisaalaFM-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Dalka, kaasi oo in badan la sugayay.

Magacaabistan ayaa timid kadib Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali, wuxuuna xilkan banaanaa tan iyo 3-dii May ee sanadkan, xilligaasi oo la dilay Wasiirkii xilkan hayay oo ahaa Cabaas Siraaji.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dibu dhiska ee Xukumadda Somaliya ee xilkan loo magacaabay ayaa waxaa lagu magacaabaa Eng. Saadaq C/llaahi Cabdi.

Warqadda magacaabista oo nuqulka mid ah la soo gaarsiiyay Risaala ayaa Wasiirka cusub waxaa lagu faray in si deg deg ah uu xilka ula wareego, maadaama howlo badan ay horyaalaan.

Markii uu geeryooday Wasiir Cabaas Sheekh Siraaji oo ku soo bar baaray xeryaha qaxootiga ee Kenya ayaa xilkan waxaa si ku meel gaar ah u hayay Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi.

Eng. Saadiq C/laahi Cabdi Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dibu dhiska ee Xukumadda Soomaaliya ayaa ka mid noqoya Wasiiradda Xasan Cali Khayre, Waxaana horyaala shaqooyin muhiima oo qeyb ka ah horumarinta Dalka.