DHAGEYSO: R/wasaaraha oo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

Kismaayo-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la xisaabtan dhab ah la yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Mudane Khayre ayaa sheegay in aysan Madax ahaan karin wada shaqeyn la’aanta shacabka, shacabka ayuu u sheegay Dowladda Federaalka in ay u adeegto iyaga, oo aysan ku xadgudbeyn.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayuu ka codsaday in ay gacmaha is qabsadaan oo Ummadda Soomaaliyeed ay si cadaalad ah ugu adeegaan.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Beesha Caalamka in ay u soo jeesatay hormarka Soomaaliya, maadaama hada ay muuqaneyso ifafaalo ah in Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadajir noqdeen.

Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa shalay waxaa lagu qabtay shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya, waxaana shacabka Soomaaliyeed ay aad u hadal hayan arrintaasi, taasi oo ay ku tilmaameen mid ay isku dhexgalayaan Madaxda iyo shacabka.