RW Xamse” Waan u mahad celinayaa Ciidanka xoogga & Bulshada la dagaalamaya Al-Shabaab”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka Tiirka  Xorreynta iyo Sugidda Amniga, kaas oo loogaga arrinsanayey howlgallada socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kacdoonka dalka looga saarayo.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha dib-u-xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo xasilinta goobaha la xoreeyo, si loo gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada kunool ay xilligaan u baahan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya bulshada ee ku guuleystay xoreynta deeganno ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, isagoo tilmaamay muhiimadda baraarugga shacabku uu u leeyahay qorshaha xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Hay’adaha Amniga iyo ciidamada Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan habeen iyo maalin xaqiijinta amniga shacabka, waxa uuna sheegay in Xukuumadda ka go’an tahay in guud ahaan dalka laga saaro Al-Shabaab.