Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan soo dhaweeyn ah ku maamuusay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Turkiga ee saarnaa markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga oo soo gaaray Dekadda Muqdosho, kaas oo qeyb ka ahaa dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca Soomaaliya iyo Turkiga .
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Markabka Difaaca Turkiga ee ku soo xirtay Muqdisho uu yahay dhacdo taariikhi ah oo xoojinaysa iskaashiga iyo walaalnimada Soomaaliya iyo Turkiga.
Kulanka ayaa waxaa ku wehelinayeen Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya.