RW Xamse oo ku baaqay in loo Midoobo la dagaalanka Al-Sabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay munaasabad ku saabsan doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dib-u-xoreynta iyo nabadeynta dalka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay dagaalka xoogan ee dalka lagaga saarayo  Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in hoggaanka ciidamada iyo xooggga xoreynta shacbiga ah ay hormuud u yihiin dhallinyaro u istaagay karaamada iyo sharafta dadkooda.

“Cullimada Soomaaliyeed waxay caddeeyeen in dagaalka aan ku jirno uu xaq yahay, cadowga aan la dagaalamaynana yihiin khawaarij, sidaas awgeed waxaa dhallinyarada Soomaaliyeed looga fadhiyaa in ay dalkooda ka dulqaadaan arxan laawe-yaashaas, caadeystay daadinta dhiiggooda iyo boobka hantidooda ayuu yiri”. Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamse ayaa tilmaamay in dhinacyo kala duwan laga wiiqayo Al-Shabab, sida dhaqaale iyo ciidan ahaanba, isagoo ku baaqay in dagaalka wadajir looga qeyb qaato oo laga daayo dacaayadda ciidanka qaranka iyo bulshada isu abaabulay sidii ay cadowga isaga xorreyn lahaayeen.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in shaqo yarida iyo baagamuudda haysata dhallinyarda Soomaaliyeed ay qeyb wayn ka qaadatay argagixisada ku habsatay dhulka khayraadka leh ee dalka, gaar ahaan dhulka hodonka ku ah beeraha iyo biyaha ee Shabeelooyinka, Hiiraan iyo Jubbooyinka, kuwaas oo wax soosaarkoodu uu hodon ka dhigi lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.