Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska 3 ruux oo ku geeriyooday roobabkii xoogganaa ee 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho, isagoo maamulka gobolka Banaadir faray in ay caawiyaan barakacayaasha iyo dadka danyarta ah ee roobabku waxyeelleeyeen.
“Waxaan isugu kiin yeeray dardar gelinta howlaha aad u haysaan shacabka oo maalmahan la dareemayo gaab muuqda oo ka jira dhanka bilicda iyo fayo dhowrka Caasimadda. Sidoo kale waxaa la idin ka sugayaa in aad gurmad deg deg ah la gaartaan dadkeenna ay waxyeeleeyeen Roobabka ka da’ay Gobolka.”
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maamulka gobolka Banaadir ku boorriyay in dadka caasimadda la siiyo adeeg u dhigma canshuurta ay bixiyaan, isagoo yiri” Waxaan idinku boorrinayaa in dadka magaaladan jooga ee canshuurta bixiya ay dareemaan in canshuurtodii wax loogu qabtay”



