Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa inay kulan gaar ah yeeshaan Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Kulanka oo ka dhici dona Hoteel ku yaal Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo la xiriira sida uu ku qabsoomi lahaa kulan weynaha Madaxda Sare ee dowladda & dowlad Goboleedyada iyo khilaafka kajira doorashooyinka.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray kulamo u dhaxeeyay Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed, waxaana ka dhashay in Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland in lagu qanciyo ka qeyb-galka shirka weyn ee Afisiyooni iyo inay ka hor la kulmaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta .
Maalinta Berito oo Talaado ah ayaa waxaa la filayaa in Teendhada afisiyooni uu ka furmo shirweynaha u dhaxeeya Madaxda Sare ee dowladda & dowlad Goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.



