RW Ra’iisal oo Baydhabo ku guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shirka Wasiirrada Golaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray wada shaqaynta iyo xoojinta adeeggyada muhiimka ah ee la gaarsiinayo bulshada deegaannada Koonfur Galbeed, arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab .
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftagareen), oo kulanka ka hadlay ayaa soo bandhigay warbixin la xiriirtaa xaaladaha bulsho iyo nololeed ee ka jira deegaanka, gaar ahaan dhinacyada amniga,siyaasadda, dhaqaalaha iyo dagaalka lagula dagaalamayo Alshabaab .
Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha Wasiirada ku adkeeyey muhiimada ay leedahay in la xoojiyo wada shaqaynta u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Koonfur-Galbeed, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha horumarinta iyo xoreynta, isaga oo soo bandhigay sida ay dowladda uga go’an tahay in la dhammaystiro howlgallada dalka lagaga saarayo Alshabaab , gaar ahaan deegaannadan oo ay Alshabaab  caqabad ku yihiin nabadda, horumarka iyo xasilloonidooda.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in Xukuumadda ay ka go’an tahay in la xoojiyo arrimaha dhaqaalaha iyo amniga, iyada oo muhiimad gaar ah la siinayo difaaca madaxbannaanida iyo midnimada dalka, waxa uuna ku bogaadiyey dadka Koonfur-galbeed doorka ay kuu leeyihiin dowladnimada.