Ruushka oo markab sida Gargaar u soo diray Soomaaliya

Safiirka  Dawlada  Ruushka u Fadhiya  Djibouti, isla markaana Soomaliya ka wakiil ah, Mikhail Golovanov ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho si ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u guddoonsiiyaan markab sida gargaar cunto.

Markabkaasi  sida cunada Gargaarka ah ayaa lagu wadaa  inuu soo gaaro  magaalada Muqdisho gaaro maalmaha socda, waxaana uu sidaa 25 kun oo tan oo sarreen ah ama qamadi.

Gargaarkan cunto ayay dowladda Ruushka  ku dhawaaqdey inay siinayso  qaar ka mid ah dalalka  Afrika  oo ay Soomaaliya ay ku jirto  dhowr bilood ka hor.

Danjiraha Ruuka u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Warfaafinta, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daud Aweis Jama iyo Agaasimaha Waaxda Yurub ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda  Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (Diinaari).

Hase’ haatee Markabkaan sida Cunuda Gargaarka ee Ruushka uu ugu deeqay Somaaliya  ayaa ku soo aadaya xilli  ay sii kordheyso Xaaladaha Bani’aadanimo ee ka dhashay Faatahaadaha Webiyada iyo Daadadka  waxaana Qoysas badan oo Soomaaliyeed islamarkaana Saameyn xooggan ay ku yeesheean Fataahaadaha ay u baahan yihiin Gargaarka deg deg ah.