Kabtankii hore ee Manchester United Roy Keane waligiis ma noqonin qof raaligeliya taageerayaasha.
Taasna waa uu ka dhabeeyay ka dib markii uu shaxdiisa xiddigihii abid ugu fiicnaa Manchester ka reebay Ryan Giggs, Paul Scholes, Wayne Rooney, Rio Ferdinand iyo Gary Neville.
Ninka reer Ireland oo 48 sanno jir ah ayaa ciyaaryahan ka ahaa Old Trafford muddo 12 sannadood ah isagoo uga soo biiray kooxda Nottingham Forest sannadkii 1993.
Waxa uu ku guuleystayu todobo koob oo horyaalka Premier League ah, afar FA Cup iyo hal koob oo Champions League ka hor inta uusan kooxda ka tagin bishii November 2005 ka dib markii uu wareysi uu ku dhaleeceynayo ciyaartoyda Man United uu bixiyay.
Keane ayaa soo xushay xiddigahii uu ugu fiicnaa ee uu ka soo garab ciyaaray mudadii uu joogay Manchester United.
Goolhaye Peter Schmiechel
Daafac midig: Paul Parker
Daafac dhexe: Jaap Stam
Daafac dhexe: Gary Pallister
Daafac bidix: Denis Irwin
Garab midig: David Beckham
Khad dhexe: Roy Keane
Khad dhexe: Paul Ince
Garab bidix: Cristiano Ronaldo
Weeraryahan: Eric Cantona



