Rooney Oo Ku Soo Laabtay Tababarka Manchester United

Wayne Rooney ayaa ku soo laabtay Manchester United ka hor kulanka Europa League ee ay la ciyaarayaan Saint-Etienne.

Kabtanka United ayaa dhawaan la maqnaa dhaawac muruqa ah mana uusan ciyaarin tan iyo kulankii ay barbaraha goolal la’aanta la galeen kooxda Hull 1dii bishii Febraayo.

Si kastaba, waxa uu u muuqdaa mid ku soo laabtay kooxda koowaad ka dib markii lagu sawiray tababarkii saaka ee Carrington.

Rooney ayaa inta badan ka maqnaa shaxda Man United xilli ciyaareekdan iyadoo saxiixyada cusub Paul Pogba, Zlatan Ibrahimovic iyo Henrikh Mkhitaryan ay shaxda kooxda joogto ka noqdeen.

Heshiis qaali ah oo uu ugu wareegayo dalka Shiinaha ayaa la soo hadal qaaday, laakiin ciyaaryahankii hore ee United Paul Paker ayaa ugu baaqay inuu sii joogo England xitaa haddii ay la micno tahay inuu United ka tago oo uu ku biiro koox yar oo Premier League ka dhisan.