Roobabkii xalay oo dad ku dilay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda xalay fiidkii ilaa xilli dambe waxaa ka Da’ay Roobab ay ku qabowsadeen shacabka, waxaana saakay dadka ay ku soo tooseen iyada oo dhulka uu Qoyan yahay.

Dadka reer Muqdisho ayaa saakay ku soo toosay iyada oo Magaalada uu Roob ka Da’ay, waxaana Roobka uu biyo dhigay qaar ka tirsan wadooyinka waa weyn, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday.

Roobabkan ayaa geystay khasaare Nafeed iyo mid Hantiyadeed, maadaama ay ahaayeen kuwo xoogan, oo mudo saacado ah Da’ayay.

Inta la ogyahay Saddex Qof ayaa Degmooyinka Warta-nabadda iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir ugu geeryootay Roobabkii xalay ka Da’ay Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Gobolada dalka ee qaarkood Abaaraha ay ka jiraan ayaa waxaa ka Da’ay Roob ay dadka ku nimceesteen, maadaama Abaaro xoogan ay ka jiraan dalka.

Gobolada dalka gaar ahaan Koonfurta iyo Degaanada Puntland waxaa laga soo wariyay in ay ka Da’een Roobab ay ku nimceesteen dadka iyo Duunyada.