Ronaldo oo laga saaray liiska ciyaartooyda Man United ee u safraya ciyaarta berri ee Chelsea

Weeraryahanka Manchester United Cristiano Ronaldo ayaan ka mid noqon doonin ciyaartooyda koooxda ee kulanka sabtida ee Premier League ee Chelsea, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Manchester Khamiistii.

Ronaldo, oo ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii Arbacadii ay 2-0 kaga badiyeen Tottenham Hotspur, ayaa ka baxay garoonka, iyadoo ay ciyaarta ka harsan tahay daqiiqado yar kadib markii uu kursiga keydka geliyay tababare Erik ten Hag.

Ten Hag ayaa ciyaarta kadib sheegay inuu wax ka qaban doono arrintan, isagoo intaa ku daray inuu diiradda saarayo guud ahaan kooxda.

“Cristiano Ronaldo kama mid ahaan doono kooxda Manchester United kulanka sabtida ee Premier League ee Chelsea,” ayaa lagu yiri bayaanka Man United.

“Kooxda inteeda kale waxay si buuxda diiradda u saareen isku diyaarinta kulankaas.” ayuu raaciyay warsaxaafadeedka United.

Hab-dhaqanka Ronaldo ee Arbacadii ayaa la kulmay dhaleeceyn, iyadoo goolhayihii hore ee United Peter Schmeichel uu sheegay in 37-jirkan uu noqday mid carqaladeeyay Old Trafford.

“Waxaan mar walba isku dayay inaan tusaale u noqdo da’yarta kusoo koreysay dhammaan kooxihii aan u ciyaaray, laakiin, nasiib darro, tani mar walba suurtagal ma ahan, mararka qaarna kulaylka waqtiga ayaa ah mid inaga badiya” ayuu Ronaldo ayaa kusoo qoray Instagram-kiisa Khamiistii.

Ronaldo ayaa u dhaliyay 24 gool tartamada oo dhan United xilli ciyaareedkii hore kadib markii uu mar labaad kaga soo biiray Juventus, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa lagu soo bilaabay kaliya labo kulan oo horyaalka ah xilliyaareedkan.

United ayaa kala horeynta horyaalka kaga jirto kaalinta shanaad, waxaana ay leedahay 19-dhibcood, iyadoo hal dhibic ka hooseysaa kooxda kaalinta afraad ee Chelsea, kadib 10-kulan oo la ciyaaray.