Ronaldo oo ka warhelay tallaabada uu qaadi doono Paul Pogba si uu ugu soo biiro Real Madrid

Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu ka warhelay inuu laacibka kooxda Manchester United Paul Pogba diyaar u yahay inuu dhimo mushaarkiisa uu haatan ka qaato kooxda ka dhisan Old Trafford si uu ugu soo biiro Real Madrid.

Pogba ayaa ku guuldarreystay inuu qaab ciyaareed heer sarre ah soo bandhigo tan iyo markii ay Man United kasoo iibsatay kooxda Juventus xagaagii 2016kii.

Bilihii ugu dambeeyey wararka xanta ah ayaa soo jeedinayey inay xiddiga qadka dhexe ee reer France isku dheceen tababaraha kooxda Old Trafford Jose Mourinho.

Mourinho ayaana markale keydka dhigay Pogba kulankii ay Sabtidii guusha ka gaareen kooxda Brighton ee heerka quarter-finalka FA Cup, inkastoo uu 25 sanno jirkaani taam ahaa.

Haatan wararka kasoo baxaya dalka Spain ayaa soo jeedinaya inuu Ronaldo ka warhelay inuu Pogba diyaar u yahay inuu dhimo mushaarkiisa si uu ugu soo biiro Real Madrid.

Shabakadda Don Balon ayaa intaas ku dareysa inuu Ronaldo ogyahay inuu Pogba doonayo kusoo biirista kooxda Los Blancos maadaama ay tahay kooxda uu ciyaaryahan walba ku riyoodo.