Ronaldo oo farriin ka duwan tii hore ka helay Macallinka qaranka Croatia!

Ciyaaryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa raalli gelin ka helay tababaraha xulka qaranka dalka Croatia ee Zlatko Dalic.

Macallin Dalic ayaa Ronaldo ku eedeeyay ka maqnaanshiyahii xalfaddii isku aadka wareegga Group-yada Champions League-ga, halkaas oo lagu bixiyay abaal marinta laacibka ugu wanaagsan qaaradda Europe.

Super Star-ka Juve ayaa seegay xafladda laacibka qaaradda Europe lagu guddoonsiiyay laacibka kooxda Real Madrid ee Luka Modric.

Ka dib dhacdadaas, Zlatko Dalic ayaa wax laga weydiiyay arrimaha la xiriira soo xaadirid la’aanta Captain-ka Portugal ee xafladda, waxaana uu xilligaas ku jawaabay in Ronaldo uu xafladda u imaan waayay maadaama uu ogaa inuusan isaga ku guuleysan doonin.

“Ronaldo waa ciyaaryahan isaga uun wax isla jecel, weligeyna ma dooni lahayn inuu kooxdeyda ka mid noqdo!

“Waa nooc ciyaaryahan, kaasoo keliya ka fikira : maxaa iga galay haddii aan guuldarreysanno, waxaa keliya oo micno ii leh inaan gool dhaliyo” ayaa uu horay ugu hadaaqay macallinka Croatia.

Dalic ayaa caawa ka hor tagi doono xulka qaranka Portugal oo aan heysan Captain-kooda, waxaana uu kullanka ka hor raalli geliyay Ronaldo.

“Waan ka shallaynayaa, waxa ay qayb ka ahayd jawaabta su’aasha la iga weydiiyay sababta uusan usoo xaadirin xafladdii UEFA, waxaana ku hadlay ereyo qaldan markii uu Modric ku guuleystay abaalmarinta.

“Waxaan ku tilmaamay mid naftiis jecle ah Ronaldo,anigune aanan jacleyn ciyaartoyda ceynkaas ah.

“Ma aysan ahayn mid shaqsi ah ama geddi ah, laga yaabee in qalad ay muujineyso, waan ka xumahay” ayuu yiri Dalic oo macallin u ah Luka Modric.