Ronaldo muxuu ka aaminsan yahay tababare Zinedine Zidane?

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in Zinedine Zidane uu ka dhigay inuu dareemo isaga xaalad gaar ah intii uu kusugnaa kooxda LaLiga ka dhisan isagoo si weyn u amaanay tababaraha France.

Ronaldo ayaa ka tagay Madrid ka hor xilli ciyaareedkii 2018-19, isagoo ugu biiray Juventus heshiis 112 milyan euro ka dib seddex koob oo isku xigta oo Champions League ah oo uu qaaday waqtigii uu ka hos ciyaarayay tababare Zidane.

Xiddiga shanta jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or wuxuu ku riyaaqay guulo waaweyn muddadii uu la joogay Zidane Santiago Bernabeu, sidoo kale wuxuu kula guuleystay LaLiga 2016-17.

Ronaldo ayaa amaan kala dul dhacay Zidane – oo ku jira shaqadiisii labaad ee Madrid – waxaana uu sheegay in xiriirka uu la leeyahay wali uu yahay mid sareeya.

“Kalsoonida uu ubaahan yahay in ciyaartoygu helo ma ahan mid kaligiis ah laakiin sidoo kale wuxuu kaga baahan yahay macalinkiisa,” ayuu Ronaldo u sheegay DAZN.

“Waxaad ubaahantahay inaad dareento inaad tahay qeyb muhiim ah oo katirsan kooxda isla markaana Zidane wuxuu iga dhigay inaan dareemo inaan ahay qof qaas ah.

Waxaa in badan i caawiyey wixii uu sameeyay. Horaan ixtiraam badan ayaan u hayay isaga laakiin la shaqeyntiisa ayaa iga dhigtay inaan isaga aad u ixtiraamo.

“Taasi waa sababta uu iigu yahay shaqsi ahaantiisa mid gaar ah, sida uu u hadlo, sida uu kooxda u hogaaminayo iyo sida uu iila dhaqmay waxay aheyd wax aan marna ilaabi karin.

“Wuxuu igu oran jiray, Cris, isdeji oo kaliya ciyaar ciyaartaa – adigu waxaad tahay qofka isbedelka sameyn kara. ‘

“Had iyo jeer wuxuu ahaa qof daacad ah aniga waa sababta aaan marwalba ugu qabo kalgacayl dhab ah.”

Ronaldo ayaa dhaliyay 21 gool oo Serie A ah xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay isagoo la qaaday kooxdiisa horyaalka Talyaaniga ee Serie A.