Roma oo bayaan ka soo saartay Mustaqbalka Goolhayaha Qaarada Yurub loogu doonista badan yahay Ee Alisson Becker

Madaxweynaha kooxda Roma James Pallotta ayaa sheegay in Alisson Becker uusan iib ka aheyn kooxdiisa.

Alisson waxaa doonaya kooxaha Liverpool, Paris Saint-Germain iyo Real Madrid kadib bandhigiisa soo jeedashada leh ee Roma.

Madaxweyne Pallotta ayaa yiri: “Ma fahmo sababta ay dadku i weydiinayaan haddii Alisson uu ka tagi doono kooxda xilli ciyaareedka soo aadan, ma rabno inaan iibino, Fursad uma heyno kooxaha doonaya isaga.

“Waxaan u maleyneynaa inuu ahaa goolhaye weyn markii aan la saxiixanay, sidaasi darteedna ma jirto sabab aan u iibino.”

Pallotta oo u dabaaldegay guushii ay Roma ka gaartay Barcelona wuxuu la kulmay duqa magaalada Rome Virginia Raggi si uu ugala hadlo mashruuca lagu dhiso garoon u gaar ah kooxdiisa.

“Waxaan ka hadalnay wax ka badan wixii kale ee ku saabsan dhismaha garoonka waan faahfaahin doonaa.

Giallorossi ayaa Liverpool kula kulmi doonta semi-finalka tartanka Champions League.