R’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan dalka Qatar

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo inay u ambabaxaan dalka Qatar.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in casuumad rasmi ah uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka helay Madaxda dowladda Qatar oo saaxiibo dhow la ah Madaxweyne Farmaajo & la-taliyihiisa Amniga Qaranka ee Fahad Yaasiin, iyada oo Rooble uu horay u tegay qaar ka mida dowladaha carabta Sida Sucuudiga iyo Masar.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu la kulmi doonaa Madaxda dowladda Qatar, iyada oo sidoo kale Xubnaha la socda ay kulan duceedyo layeelanayaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar.

Hadii Ra’iisul WasaareRooble uu tago dalka Qatar ayaa waxa ay noqoneeysaa markii  ugu horeeysay ee uu tago dalkaas tan iyo markii loo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  17-kii Bishii September sanadkii 2020.

Casuumaadaan ay dowladda Qatar u fidisay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaauu kusoo aadayaa xilli khilaaf uu u dhaxeeyo Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kalena lagu guda jiro arrimo doorasho.