Thibaut Courtois ayaa seegi doona kulanka ay Real Madrid galabta Santiago Bernabeu Stadium ku soo dhaweyneyso kooxda Granada isagoo ka soo kabsanaya shuban biyood ku dhacay habeenkii Talaadada.
Goolhayaha reer Belgium ayaa la bedelay waqtigii nasashada ee kulankii ay Los Blancos barbaraha 2-2 la gashay kooxda Club Brugge ee Champions League, waxaana bedelay goolhaye Alphonse Areola.
Areola ayaana mar kale ku soo bilaaban doono kulanka maanta isagoo ciyaaraya kulankiisii labaad tan iyo markii uu heshiis amaah ah uga soo wareegay kooxda Paris Saint-Germain.
Tababare Zidane ayaan sidoo kale heysanin daafac bidix iyadoo Marcelo iyo Ferland Mendy ay dhaawacyo ku maqan yihiin laakiin waxaa la filayaa inay shaxda ku soo laabtaan Gareth Bale iyo James Rodriguez kuwaasoo seegay kulankii Champions League.
Militao oo booskiisa dabiiciga uu yahay daafac dhexe ayaa la filayaa inuu maanta ka dheelo booska daafac bidix.
Real Madrid vs Granada
La Liga 2019/20
Goobta: Santiago Bernabeu
Taariikh: Sabti, 5ta October, 2019
Waqtiga: 5pm Saacada Geeska Afrika



