Real Madrid ayaa banaanka soo dhigtay inay boqolkiiba boqol u dagaalami karto horyaalka La Liga xilli ciyaareedka 2018-19 ka hor kulanka ay caawa usafarayaan Athletic Bilbao.
Ciyaartoyda Julian Lopetegui ayaa ku guuleystay seddexdii kulan ee ugu horeysay xili ciyaareedkaan, waxaana weerarka hogaaminaya Karim Benzema iyo Gareth Bale oo qaadanaya masuuliyadii Cristiano Ronaldo.
Bilbao ayaa ku bilaabatay si wacan xilli ciyaareedkan, iyadoo leh afar dhibcood labo kulan oo ay ciyaareen.
Kulanka Real Madrid usafreyso gobolka Basque ayaa noqon doona mid adag sida uu aaminsan yahay tababare Julian Lopetegui.
Real Madrid ayaa garaacday Bilbao 31 kulan oo La Liga ah, halka Bilbao ay badisay 11 kulan , iyado Labada dhinac ayaa wadaageen sideed barbaro.
Si kastaba ha ahaatee, Real ayaa barbaro goolal la’aan ah lagu qabtay xilli ciyaareedkii hore markii ay booqdeen San Mames Stadium, waxaana ay badiyeen labo ka mid ah shan kulan oo horyaalka ku ciyareen garoonkaan tan iyo markii la dhisay sannadkii 2013.
Tababare Lopetegui ayaa heysta koox buuxda oo taam ah, iyadoo Casemiro uu kusoo laabtay tababarka ka dib fasaxii caalamiga ahaa.
Ciyaartaan ayaa la daawan doonaa 9:45 Pm caawa



