Real Madrid Oo Shan Dhibcood Oo nadiifa Ah Ku Qabtay Hogaanka La Liga

Gareth Bale aqyaa u dhaliyay laba gool kooxda Real Madrid oo 3-0 kaga badisay kooxda yar ee Leganés iyadoo hadda kujirta kaalinta koowaad ee La Liga.

Xiddiga reer Wales ayaa shabaqa kubadda qurux badan riday kadib markii uu caawinaad ka helay Isco oo kujiray xerada ganaaxa waxaana uu la dhaafay kubadda daafaca Serantes markaasoo 1-0 kooxdiisa mhogaanka ku qabatay.

Bale ayaa mar kale madaxa ku dhaliyay goolka labaad ee Real Madrid kadib laad xor ah oo ka yimid laacibka khadka dhaxe ee  Toni Kroos.

Alvaro Morata ayaa ku daray goolka seddexaad qeybtii labaad ee ciyaarta, oo kusoo dhamaatay 3-0, oo ay ku badisay Real Madrid.

Guushaasn ayaa waxey keeneysaa Real Madrid in ay shan dhibcood oo nadiif ah ka sareeyaan Barcelona oo u safreya caawa kooxda Sevilla.