Laacibka kooxda AS Roma shabaqa u ilaaliya ee Alisson Becker ayaa noqday goolhayaha loogu doonista badan yahay suuqa kal iibsiga waxaana uu qarka u saaran yahay inuu noqdo goolhayahii ugu qaalisaan ee taariikhda kubadda cagta.
Horraan Alisson ayaa caddeeyay inuu jecelyahay ku biiritaanka kooxda Real Madrid inkastoo uusan wax wada hadal ah la yeelan, hase ahaateed kooxda Reds ayaa bilawday inay laacibkan u adeegsato siyaasad kale oo ay uga dhaadhicineyso inuu kusoo biiro Anfield.
25-jirkan ayaa lagu soo warramayaa in liverpool ay la gaartay heshiiska shaqsiga ah iyadoo kasoo weecisay dareenkiisa hankii uu u hayay Los Blancos, balse laacibkan ayaa go’aankiisa la dhageysan doonaa ka dib koobka adduunka.
Jurgen Klopp ayay qasab ku tahay inuu xilli ciyaareedka dambe lasoo shir tagin goolhayeyaal meel dhexaad ah sida Simon Mignolet iyo Loris Karius, sidaas darteed waxa uu diyaar u yahay inuu bixiyo lacag walba oo ay dalbato kooxda Roma.



