Real Madrid oo ka fiirsaneysa saxiixa Eriksen

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay la soo saxiixato xiddiga Tottenham Hotspur Christian Eriksen kaasoo ay u arkaan inuu yahay bedelka Neymar ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga Yurub ee Isniinta.

Ninka deenishka ah ayaan wax qarsoon ah ka dhigin inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Bernabeu xagaagan, laakiin Spurs ayaa wali ku qiimeysa 100 milyan oo ginni.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale u aragta Eriksen inuu yahay bedelka Neymar, kaasoo la filayo inuu ka tago Parc des Princes si uu ugu laabto Barcelona maalmaha soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda heysata Ligue 1 ayaa si fiican uga warqabta in 27 jirkan riyadiisa ah inuu u ciyaaro Real Madrid rumeyso.

Kooxda Tottenham ayaa si aad ah u doonaysay inay Eriksen heshiis cusub siiso xagaagan, laakiin ciuaatyahankii hore ee Ajax ayaa iska fogeeyay dhamaan waxa xaajoodyada wuxuuna qarka u saaran yahay inuu ka tago kooxda.

Dhanka kale weeraryahankii hore ee Spurs Fernando Llorente ayaa qarka u saaran inuu si bilaash ah ugu biiro kooxda Napoli – kadib markii uu dhacay qandaraaaskiisii Tottenham dhamaadkii June.