Real Madrid ayaa laga yaabaa inay markale nasiibkeeda tijaabiso si ay goolhaye David De Gea ugala soo wareegto kooxda Manchester United ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub xagaagaan.
Los Blancos, kooxda difaacaneysa koobka horyaalka La Liga iyo koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League ayaa dib usoo cusbooneysiisay xiisaheedii ay u qabtay goolhaye David De Gea.
Tani waxay timid ka dib markii tababare Zinedine Zidane uu caddeeyey in aysan kooxdiisu u baahneyn xiddig ka ciyaara garoonka bartankiisa oo ay lacag badan ku bixiyaan ama saxiix Galactico ah.
Tani waxay timid ka dib markii ay Real Madrid ku guuldarreysatay saxiixa Kylian Mbappe oo u ciyaara AS Monaco, tababare Zinedine Zidane wuxuu la dhacsan yahay horumarka uu sameynaayo 21 sanno jirka reer Spain Marco Asensio, wuxuuna aaminsan yahay inaan loo baahneyn weeraryahan kale maadaama ay taasi curyaamineyso horumarka uu sameynaayo Marco Asensio.
Bedelkeeda, Real Madrid waxay isha ku heysaa inay ugu dambeyn gacanta kusoo dhigto goolhayaha reer Spain De Gea oo ay muddo dheer ku raadjoogtay, waxayna kusoo iibsaneysaa ku dhowaad 46 milyan oo ginni, sida ay The Sun shaacisay.
Ge Gea ayaa ku dhowaaday inuu u saxiixo Real Madrid sannadkii 2015kii, laakiin sababo la xiriira cillad ku timid mashiinnada warqadda degdegga u dira ayaa heshiiskaasi u guuldarreystay.
Haddii uu De Gea ka tago Man Utd kuna biiro Real Madrid taasi dhabarjab ayey ku noqon doontaa loolankooda horyaalka England Premier League maadaama uu ka mid yahay xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Jose Mourinho.


