Real Madrid iyo Barcelona ayaa labadaba lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan saxiixa daafaca Liverpool Virgil van Dijk.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa noqday mid ka mid ah daafacyada dhexe ee ugu fiican kubada cagta tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda Reds bishii Janaayo 2018.
Xaqiiqdi, Van Dijk wuxuu Liverpool ka caawiyay inay ku guuleysato koobkeedii 6aad ee Yurub xilli ciyaareedkii hore, halka uu sidoo kale ka mid ahaa xiddigihii ugu fiicnaa Premier League xilli kooxda Jurgen Klopp ay dhibic ka dambeeyeen Manchester City.
28 jirkan ayaa sidoo kale dhaliyay sideed gool 79 kulan oo uu u saftay kooxda ka dhisan Merseyside.
Sida laga soo xigtay AS, labada koox ee Madrid iyo Barca ayaa doonaya inay la soo wareegaan xiddiga reer Holland xagaaga soo aadan iyadoo labada koox aysan ku faraxsaneyn xulashohooda daafaca dhexe ee haatan.
labada dhinacba waxay muujiyeen daciifnimo dhanka daafaca ah bilowgii ololahan 2019-20, iyadoo Los Blancos ay lix gool laga dhaliyay afartii kulan oo ay ciyaareen La Liga xilli ciyaareedkan, halka Barca laga dhaliyay toddobo.
Da ‘yarkii hore ee kooxda Groningen, ayaa haatan u tartamaya in loo caleemo saaro abaalmarinta Ballon d’Or, waxaana wali afar sano uu uga haray qandaraaskiisa Anfield.



