Raysal wasaaraha UK oo qabanaya kulan degdeg ah oo looga hadlaya xaalada Gaza

Raysal wasaaraha UK ayaa dib isugu yeeraya golihiisa wasiirada, kuwaas oo yeelan doona kulan degdeg ah oo looga hadlayo xaaladda Gaza, xili hay’adaha gargaarka ay ka digayaan gaajo iyo macluul sababi karto dhimasho.

Raysal wasaare Keir Starmer ayaa wajahaya, cadaadis ah inuu si degdeg ah u aqoonsado dowladnimada Falastiin.

Kooxaha bini’aadantinimada ayaa sheegaya in tallaabo la qaado todobaadkan ay muhiim tahay, haddii kumannaan reer Gaza ah la doonayo in laga badbaadiyo gaajo waxayna ka digayaan tallaabooyinka Israel ee lagu kordhinayo sahayda gargaarka in aysan ku filneyn.