RASMI: Lionel Messi Oo Ganaax Saddex Bilood Iyo Lacag Iskugu Jira Gadhka Loo Galiyay

Kabtanka xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa si rasmi ah u ogaaday nooca ganaaxa uu mari doono kadib weerarkii qaawanaa ee uu ku qaaday garsoorkii dhex dhexaadinayay kulamadii tartanka Copa America ee dalka Brazil ka dhacay.

Xidhiidhka Kubbada Cagta South America Ee CONMEBOL ayaa Lionel Messi ku xukumay ganaax saddex bilood ah iyo waliba qayb kale oo lacag badan ah kadib markii ay ku qanceen xumaanta iyo saamaynta uu yeeshay hadalkii uu Messi saxaafada ka hor sheegay.

Hadalkii Lionel Messi uu xidhiidhka kubbada cagta South Ameerica sida wayn u dhibsaday waxaa ka mid ahaa midkii uu sheegay kadib kulankii Brazil iyo Argentina ee ahaa: “Wax shaki ahi kuma jiro, wax walba waxaa loo sameeyay Brazil”.

Lionel Messi ayaa sidoo kale hore u sheegay in xulka qarankiisa Argentina ay waajib ku tahay in aanu xataa ka qayb galin tartamada ay qabanayaan CONMEBOL waxayna kadib xidhiidhka kubbada cagta South America soo saareen war saxaafadeed ay isku difaaceen.

Balse waqti dheer kadib waxay hadda si rasmi ah ugu dhawaaqeen ganaaxa ay Lionel Messi waajibka ku tahay in uu mari doono inkasta oo uu wali u furan yahay in uu rafcaan ka qaadan doono.

Lionel Messi ayaa garsoorkii Copa America ku eedeeyay kuwo eex u samaynayay dalka Brazil wuxuuna sidoo kale xidhiidhka Kubbada Cagta South America Ee CONMEBOL uu ku duray in ay yihiin kuwo jeebka ugu jira dalka Brazil.