RASMI: Cabdi Shariif Oo Markii Labaad Bilo Gudaheed Qandaraaska U Kordhiyay Liverpool Isagoo Aan Wax Kulan Ah Ciyaarin

Liverpool ayaa ku dhawaaqday maanta in 19 jirka aadka loo qiimeeyo Cabdi Shariif inuu kordhiyay qandaraaskiisa haatan, kaliya bilo ka dib markii uu saxiixay qandaraaskiisii ugu horeysay ee kooxda.

Xiddiga Soomaaliga ah Cabdi Shariif ayaa dhaawac halis ah ku maqnaa xilli ciyaareedkan oo dhan iyadoo dhaawaca uu soo gaaray xagaagii hore, sidaasi darteed ma uusan ciyaarin tan iyo markii uu qandaraaskiisii ugu horeysay u saxiixay kooxda.

In Liverpool ay durbaba qandaraaska u kordhisay ayaa ka marqaati kaceysa tayada xiddigaan garabka ka ciyaara.

Cabdi Shariif ayaa kooxda Liverpool ee ay da’dooda ka hooseyso 18 jirada waxa uu la qaaday koobka FA Youth Cup xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, isagoo qandaraaskiisii ugu horeysay u saxiixay Reds markii uu 18 sanno jir ah bishii Juun ee 2019.

27 maalmood ka dib markii uu saxiixay qandaraaska, waxaa soo gaaray dhaawac halis ah oo uu la maqnaa muddo sagaal bilood ah ku dhow.

Toban bilood ka dib ku dhawaad maalintaas, Cabdi Shariif waxa uu haatan ku jiraa soo kabsashadiisa ugu danbeysay isagoo isku diyaarinaya inuu u ciyaaro kooxda Reds ee ay da’dooda ka yar tahay 23 sanno.

Markii uu qalinka ku duugay heshiiska cusub, Cabdi Shariif ayaa u sheegay shabakada Liverpool: “Wax weyn ayay ii tahay inaan saxiixo qandaraas kordhinta.

“Uma maleynayo inaad heli karto inta badan fursad aad ugu ciyaarto koox cajiib u ah sida Liverpoool, sidaasi darteed waan ku faraxsanahay inaan saxiixo.

“Shaqaalaha ayaa si weyn ii caawiyay mudadii dhaawaceyga, si ku filan uguma mahadcelin karo, waxaa jira dad badan oo aan wada magacaabi karin.