Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday iney dhigeeda Liverpool kala heshiisay xidiga reer Brazil Philippe Coutinho.
Blaugrana waxey xaqiijisay inuu xidigan saxiixi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan iyo shan sano oo dheeri ah, waxaana heshiiskiisa lagu jabin doonaa aduun dhan 400 Malyan oo Euro.
Barcelona waxey website-keeda ku xaqiijisay in jadwalka soo bandhigistiisa waqti dhaw lasoo daabici doono isla markaana jamaahiirta ay la wadaagi doonaan.
Philippe Coutinho wuxuu 12-kii June 1992 ku dhashay Rio de Janeiro, waa mid ka mid xirfadlayaasha ugu dabiicisan ee u dhashay wadanka Brazil, wuxuuna doonayaa inuu noloshiisa ku hormariyo kooxda Blaugrana.