Tababaraha kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa marcus Rashford doonaya inuu u bedelo si lamid ah sidii Cristiano Ronaldo oo halyeey ka noqday Old Trafford
Tababaraha reer Norwey ayaa go’aansaday inuu ka iibiyo kooxdiisa Romelu Lukaku oo ku biiray Inter Milan xagaagan, waxaana uu u sheegay Rashford inuu doonayo inuu kor u qaado xirfadiisa si uu u buuxiyo booska uu ka tagay ninka reer Belguim.
Sida Ronaldo, Rashford wuxuu inta badan waayihiisa ciyaareed ee United ku qaatay garabka, laakiin Solskjaer wuxuu haatan doonayaa 21 jirka inuu booska weerarka tooska ah ka ciyaaro.
Sida laga soo xigtay jariiradda Daily Mirror, Solskjaer wuxuu shaqsi ahaan ula hadlay Rashford, waxaana uu ku wargeliyay inuu ka caawin doono wax badan si uu ula mid noqdo Ronaldo kaasoo xili dmabe kusoo baxay mid kamid ah weerarka ugu fiican dunida.
Rashford ayaa durba dhaliyay laba gool kulankii Chelsea ee isbuucii hore. Waxaana iska cad in Solskjaer uu dareemayo deganaansho dhanka weerarka ah.
Abaal marino badan ayaa la siiyay xiddiga reer Portugal waqtigiisii Man Utd, Ronaldo ayaana si weyn kaga hormaray Ruud van Nistelrooy, Louis Saha, Andy Cole iyo xitaa Solskjaer.
Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa dhaliyay 12 gool xilli ciyaareedkii 05-06, waxaana intaas ka dib uu dhaliyay 23 gool marka loo wareejiyay booska weerarka xilli ciyaareedkii xigay.
Si kastaba ha noqotee, Ronaldo ayaa markaa ka yaabsaday dunida markii uu dhaliyay 42 gool xili ciyaareedkii 07-08.
Rashford ayaa dhaliyay labo gool intii ay socotay kulankii United ay 4-0 kaga talaabsatay Chelsea, waxaana la rajeynayaa inuu sii wado bilowgiisa fiican kulanka kooxdiisa ku wajaheyso Wolves Molineux habeenka isniinta.



