Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Magaalada laga Maqlaayo Raasaas goos goos ah oo ku dhaceysa Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Rasaasta la sheegaya in ay tahay mid aan sidaasi u xoog badneyn , waxaana inta badan laga maqlaaya Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo Qaarkood.
Magaalada ayaa deganeyd maalmihii lasoo dhaafay , waxaana dadka qaarkood ay bilaabeen in ay dib ugu soo laabtaan Xaafada Magaalada Gaalkacyo.
Rasaasta goos goos ah ayaa saaka bilaabatay , waxaana labada dhinac ay ku sugan yihiin meel magaalada ujirta 8 Km
Inkastoo hada uusan jirin dagaal toos ah hadana Labada dhinac ee magaalada waxaa ku dhacaaya Rasaas ay ridaayaan maamulada Puntland iyo Galmudug.


