Wararkii ugu dambeeyay Shabaab iyo Ciidanka dowladda oo ku dagaallamay Baardheere

Wararka laga helayo degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ku dagaalameen  Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo Xubno kamid ah Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga ay degan yihiin Ciidanka Dowladda gaar ahaan Ururka 49-aad Ee ku sugan Degmada Baardheere Ee Gobalka Gedo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga timid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Majirto cid weli xaqiijisay khasaaraha ka dhashay dagaalka Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan ku qaaday Saldhigyo Ciidanka dowladda Federaalka ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolada dalka, waxaana weerarka qaarkood ka dhashay Khasaaro kala duwan.