Ramos oo ku camirtay Ronaldo xilli ay ku jireen tababarka Spain

Spain's Sergio Ramos, center, smiles with his teammates during a training session of Spain at the 2018 soccer World Cup in Krasnodar, Russia, Sunday, June 17, 2018. (AP Photo/Manu Fernandez)

Xulalka qaranka ee Spain iyo Portugal ayaa is wajahay kullankooda ugu horreeya ee koobka adduunka.

Spanish-ka iyo Portugues-ka ayaa ku kala baxay barbarro 3-3 ah, waxaana xilligaas saddexley dhaliyay laacibka Real Madrid ee Cristaino Ronaldo.

Ronaldo ayaa daqiiqaddii afraad ku billaabay ciyaarta gool rigoore ah oo ciyaaryoyda Spain u arkeen inuu is tuuray kabtanka Portugal.

Sergio Ramos oo ay ka wada tirsan yihiin Los Blancos ayaa kusoo bandhigay tababarka Spain muuqaal isagoo jilaya is tuurid.

Nacho Fernandez oo kullankii Spain loollanka la galay Ronaldo ayaa markan jilay muuqaal  uu khalad ku galayo Ramos ka dib uu is tuurayo.

Sergio Ramos ayaa muuqaalkan kula camirtay saaxiibkiis Ronaldo.