Ramos Oo Kasoo Horjeestay Hadal Kasoo Yeeray James Rodriguez

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay saaxiibkiisa James Rodriguez inuu sii joogo kooxda kadib markii shaki lageliyay mustaqbalkiisa Real Madrid.

Xididga Colombia ayaa ayaa iska waayay line-upka kooxda Real Madrid, waxaana uu sheegay inuu ka tagi karo kooxda marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Zinedine Zidane ayaa ka doortay ciyaaryahanka Isco taasoo ku qasbeysa inuu ka tago caasimada Spain.

Kabtan Ramos ayaa shaaca ka qaaday inuusan ku faraxsaneyn waqtigaan inuu arko saxiibkiisa oo ka tagay kooxda.

Isagoo la hadlayay saxaafada ka dib guushii Real Madrid, Ramos ayaa sheegay in Rodriguez uu ka mid yahay ciyaartooyda ugu fiican dunida.

Rodriguez ayaa waxaa isha la raaceysa kooxda Chelsea oo la sheegay in ay kala heshiisay ciyaaryahankaan qiimaha lagu heli karo Real Madrid.