Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray Faafinta iyo Dhaqangalinta Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka 2020/2021, isagoo ku dhawaaqay in doorasho loo dhaqaaqayo.
Waxaa uu sheegay in xukuumadiisa hal ku dhigeedu uu yahay doorashaa loo dhaqaaqay oo ula jeeday in ay si deg deg ah uga shaqeyn doonaan qodobadii lagu heshiiyay.
“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo eegaysa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin xalaal ah oo daah furan dalka ka dhacaan, ayna ku wargalineyso dhammaan hay’adaha kala duwan ee qaranka ee ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka inay waajibaadka kaga aaddan u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyey” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Roobe.
Ilo xog ogaal ah ayaa Risaala u sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu qorsheeyay in uu ku dhawaaqo liiska golaha wasiirada cusub.
Wararka qaar ayaa sheegaya in wasiirada cusub ay u badan yihiin xukumadiii xasan Cali Kheyre