Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo Salaada Ciida Mas’uuliyiin & Shacab kula dukaday Masjidka Madaxtooyada ayaa marka hore Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Caawiyaan dadka aan wax heysan si ay farxadda Ciida uga qeyb qaataan.
Sidoo kale waxa uu u tacsiyadeeyay Askartii saraakiishii iyo mas’uuliyiintii kale ee ku geeriyooday weeraradii Ururka Al-Shabaab ay Bishii Ramadaan ka geysteen Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Xukuumadda Soomaliya ay qaaday mas’uuliyadda doorasho ka dhacda dalka, waxaana uu si rasmi ah u cadeeyay n dalka xilligan uu u jiheystay dooorasho.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha inay ugu soo duceeyaan in Alle u fududeyo howsha culus ee loo xilsaray si dalka ay uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.
Hadalka Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo aadayaa xilli Xukuumadda loo xilsaaray arrimaha doorashooyinka, isla markaana la filayo n 20-ka Bishaan uu muqdisho ka dhaco shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.



