Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Britain.
Waxaa uu halkaas uga qeyb gali doona Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada waxbarashada carruurta.
Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wehliya Safarka.
Ra’iisul Wasaaraha inta joogo UK waxa la kulmi doonaa Ra’isulWasaaraha UK Boris Johnson , Madax iyo Mas’uuliyiin kale.



