Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray degmada Baraawe

Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee  Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa Maanta soo gaarey Magaaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wafdiga ayaa waxaana Garoonka Diyaaradaha Baraawe  ku soodhaweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed , Gudoomiyaha Baarlamanka, Wasiiro ,Xildhibaano, Maamulka Gobolka, kan Degmada , Saraakiisha Ciidamada , Odayaasha Dhaqanka Ururada Bulshada Rayidka iyo Xubno kale.

Ujeedka Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee degmada Baraawe ayaa waxaa lagu sheegay kormeerida iyo la socodka xaaladda amni ee degmada Baraawe, halkaas oo kamid ah Goobaha degaannada Koonfur Galbeed ee lagu qabanayo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa la filayaa in uu kula la qaato, Odayaasha Dhaqanka, Maamulka degmada iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM si uu ugala hadlo xaalada amni ee degmada iyo ka qeyb qaadashada sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada Golaha Shacabka.