Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku wajahan Guriceel & qaban qaabo ka socota

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in Maanta oo Talaado ah inay safar dhulka ah ay ku tageen Degmada Guriceel ee isla gobolkaasi Galgaduud.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo haatan ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka mid ah xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo safarka ku wehliya Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xubnaha la socda ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan Mamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyaga oo wadatashi kala sameyn doona  xaalada Galmudug iyo doorashada kusoo fool leh.

Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa sakay laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in wafdi horudhac u ah safarkiisa inay gaareen degmada Guriceel.