Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Hay’adaha ammaanka

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay ammaanka dalka iyo qorshaha xasilinta caasimadda Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle), Taliyeyaasha ciidanka xoogga, Nabad sugidda, Booliska iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow).

Kulanka ayaa si gaar ah waxaa diirada loogu saaray sidii wax looga qaban lahaa amni darada soo korortay ee ka jirta Muqdisho iyo howlgelinta ciidanka xasilinta ee loo diyaariyay sugidda ammanaka caasimadda.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa ciidanka Millitariga ku amray in ay ku sugnaadaan xeryahooda, wuxuuna ka dalbaday in aysan arbushaad ku sameyn howlaha xasilinta, lana shaqeeyaan ciidanka ammaanka.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in habacsanaan ay ku timid go’aano ay horey u soo saareen Golaha Wasiirada oo la xiriiray in masuuliyiinta dowladda ay magaalada dhexdeeda ku wadan karin wax ka badan afar qori, wuxuuna ciidanka ka dalbaday in ay arrintaasi dardar geliyaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa markii uu shirka soo idlaaday kulanka waxa uu kormeeray ciidanka loo diyaariyay howlgalka iyo agabka ay heystaan, wuxuuna ka muujiyay rajo wanaagsan in ciidankan ay xaqiijin karaan ammaanka Muqdisho, isaga oo saraakiisha kula dardaarmay in ay shaqadooda u gutaan si daacadnimo ah.