Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Goor dhow daahfuray Imtixaanada shihaadiga ah ee dugsiyadda Sare oo ay dowladda Soomaaliya qaadayso.
Mudane Kheyre ayaa sheegay in ay guul tahay in dowladda Soomaaliya ay sanadkii Saddexaad ay qaadeyso imtixaan mideysan.
Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee Wasaaradda Waxbarashadda ayuu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan caddaaladda ,islamarkaana siman ay ardayda ugu shaqeeyaan.
Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku sugnaa goobta lagu daahfuraayay imtixaanada dowladda Soomaaliya.
Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 23-kun oo Arday ay maanta u fariisanayaan Imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare ee ku yaala koofurta iyo bartamaha dalka.



