Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Deegaanka Dangoroyo

Dangoroyo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake uu gaaray Deegaanka Dangoroyo oo ka tirsan Gobolkaasi.

Safaraka Cumar C/rashiid Cali Sharmaake Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ujeedka safarkiisa waxaa lagu sheegay in uu yahay ka qeyb qaadashada Dhismaha Maamul loo sameynayo Deegaankaasi.

Warar Madax banaan oo ay heshay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha sidoo kale maanta la filayo in uu gaaro Magaalada Qardho ee Gobolka Bari.

Shalay ayay aheyd markii Cumar C/rashiid Cali Sharmaake Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.