Ra’iisul Wasaaraha oo Booqday Xalay Isbitaalka Madiina

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay booqday Isbitaalada Madiina iyo Ordogan oo la dhigay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Muqdisho.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa la socday Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Nabad Suggida Soomaaliya, waxana uu tagay qeybaha kala duwan ee lagu daweynaayay dhaawacyadda.

Mudane Kheyre ayaa midmid u xog wareystay dadka dhaawayadu soo gaareen, si uu u qiimeeyo xaaladahooda iyo nabarada gaaray inta ay gaarsiisanyihiin.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay wax ka qaban doono dhaawacyadda Culus, waxaana Saraakiisha Caafimaadka uu ka codsaday in ay si deg deg ah usoo Gudbiyaan.