Ra’iisal wasaare Xamse oo Hamnalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 26ka Juun oo ku beegan sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegtey markii ay Gobollada Waqooyi Xorriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, isla markaana calankeenna buluugga ah laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

Waxaan ugu hambalyeynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka Juun oo ku beegan sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegtey markii ay Gobollada Waqooyi Xorriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, isla markaana calankeenna laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

Waxay mudan yihiin dadkii Soomaaliyeed ee xorriyadda keenay meel kasta ha joogaane, in la xaqiijiyo himillooyinkii ay ka lahaayeen halgankii xornimo u dirirka, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen dadka Soomaaliyeed oo mid ah, oo walaalo ah, oo hal calan iyo hal dowlad leh.