
Raheem Sterling ayaa lagu soo waramayaa inuusan diyaar u aheyn kulanka lugta hore ee wareega 16ka Champions League Manchester City ee ay la ciyaarayaan Real Madrid 26ka Febraayo.
Xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa u muuqday inuu dhaawac muruqa ah qabay kulankii Premier League CIty la ciyaareen kooxda Tottenham Hotspur.
Arinta ayaa soo baxday kadib markii weeraryahanka uu garoonka ka baxayo, waxaana la marsiin doonaa baaritaan maalmaha soo socda si loo go’aamiyo heerka dhibaatada.
Si kastaba, sida laga soo xigtay Marca, 25 jirka ayaa shaki uu ku jiraa inuu ciyaari karo kulanka lugta hore ee wareega 16ka Champions League ee ay Real Madrid kula ciyaarayaan Bernabeu dhamaadka bishaan.
City ayaa gurigooda kula ciyaaraya West Ham United isbuuca soo socda, halka ay sidoo kale wajihi doonaan Leicester City kulan ka tirsan Premier League ka hor inta aysan u safrin caasimada Spain kulanka ay la ciyaarayaan kooxda Zinedine Zidane.
Sterling ayaa dhaliyay 20 gool 35 kulan uu u saftay kooxda difaacaneysa Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana ku jira shan gool oo uu dhaliyay lix kulan oo Champions League ah.


