Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgal amniga lagu xaqiijinayay waxaa ay ka sameeyeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,waxaana la sheegay in howlgalkaasi ay dad ku qabqabteen.
Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Boosaaso ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas lagu qabtay Saddex ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ee ka dagaalanta dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari.
Waxaa ay sheegeen in xubnahaas laga shakiyay ay haatan ku hayaan baaritaano lana geeyay Saldhiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso,isla markaana natiijada kasoo baxda baaristooda ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.
Puntland oo xilligaan wajaheysa caqabado amni ayaa laba maalin ka hor waxaa ay boosaaso ku qabatay Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyo qof la socday halka mid kale ay toogteen,kuwaas oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Kooxda Daacish



