Rag lagu Eedeeyay dilka Sheekh Cabdullaahi Dalab oo Maanta Maxkamad la soo taagay

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta soo gabagabeeysay dhegeysiga garmaqalka gal-dacwadeed ay wadajir eedeysanayaal uga yihiin Maxamed Ibraahim Cali, Ilyaas Maxamed Xassan iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Cabdiraxmaan oo xafiiska xeer ilaalinta maxkamadda ciidanka Jubbaland uu kusoo eedeeyay in ay wadajir uga wada qeyb qaateen AUN dilkii magaalada Kismaayo loogu geystay Sheekh Cabdullaahi Dalab sanadkii 2016-ka.

Gaashaanle  Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali Xeer Ilaaliyaha Ciidanka Jubbaland oo maanta soo gabagabeeyay soo bandhigidda eedaha loo haysto eedeysanayaasha Maxkamadda kasoo hormuuqday ayaa Maxkamadda ka codsaday in eedeysanayaasha kala ah Maxamed Ibraahim Cali iyo Ilyaas Maxamed Xassan ay ku xukunto qisaasta Marxuum Sheekh Cabdullaahi halka eedeysanaha sadexaad Cabdullaahi Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Cabdiraxmaan oo lagu eedeeyay in uu gabaad siiyay islamarkaana dhagarqabayaasha ka caawiyay fulinta dilka Marxuumka ayuu sidoo kale Xeer ilaaliyuhu Maxkamadda ka codsaday in ay ku xukunto qodobada lagu soo eedeeyay.

Ugu dambeyn fadhiga Maxkamadda waxaa soo xiray Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/le Dhexe Bashir Maxamuud Xareed, wuxuuna sheegay in maxkamaddu ay go’aan ka gaari doonto kiiskan.